Warsame Axmed ayaa lagu xusuusan doonaa dhacdo muujinaysa sida caddaaladda uga sarreysiiyay qaraabonimada, kaddib markii uu maxk...
Warsame Axmed ayaa lagu xusuusan doonaa dhacdo muujinaysa sida caddaaladda uga sarreysiiyay qaraabonimada, kaddib markii uu maxkamad horteed kaga marag kacay wiilkiisa, isagoo sheegay inuu khamri cabbay wiilkiisu.
Waxa uu sheegay in wiilkiisa iyo afar nin oo kale ay khamri cabeen, isaga oo maxkamadda ka codsaday in dhammaantood sharciga loo mariyo si siman.
Arrintan waxaa si weyn u waafaqsan hadalka Alle ee Qur’aanka:
﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰ أَنفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ﴾
“Mu’miniintow! Noqda kuwa si adag ugu taagan caddaaladda, markhaatina u noqda Alle dartii, xataa haddii ay idinku noqoto naftiinna, waalidkiinna ama qaraabadiinna.”
[An-Nisaa’: 135]
Dacdadan ayaa ka dhacday Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland
Caddaaladdu qaraabo ma taqaan.
@Kalsoor Media ✍️
ninkaasi waa aabo wanaagsan oo daacad ah
ReplyDelete