Sheekh Maxamed Rashaad
𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗱𝗮 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗥𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱 (𝗚𝗲𝗲𝘀𝗶 𝗗𝗶𝗶𝗺𝗲𝗲𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗰𝗶 𝗤𝗶𝗶𝗿𝗼 𝗟𝗲𝗵)
(𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑰𝒔𝒙𝒂𝒂𝒒 𝑨𝒘𝒆𝒚𝒔)Taariikhda Sheekh Maxamed Rashaad waxaa ka warramay Sheekh Axmed Daahir Aweys oo ay qaraabo ahaayeen, isla markaana ka mid ahaa ardaydiisii.
Sheekh Maxamed Sheekh Isxaaq Aweys (Alle ha u naxariistee) wuxuu dhashay qiyaastii sanadkii 1955. Ilaahay wuxuu ku mannaystay garasho iyo faham degdeg ah, isagoo casharrada si fudud u qaybi jiray xilli looxu weli qoyan yahay. Aqoontiisii hore wuxuu ka bartay aabbihiis, oo ahaa macallin caan ku ahaa tajwiidka Qur’aanka Kariimka ah iyo culuum kale oo badan oo shareeco.
Aabbihii wuxuu ahaa nin safarro badan geli jiray, waxaana Sheekh Maxamed ku wehelin jiray safarradaas, isagoo ka faa’iidaysan jiray fursad kasta oo uu ku kororsan karo aqoon iyo tarbiyad diimeed. Wuxuu dhammeeyay xifdinta Qur’aanka Kariimka ah sanadihii 1960-meeyadii.
Dabayaaqadii lixdamaadkii, qiyaastii 1967–1968, wuxuu u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay culimadii waaweynaa ee waqtigaas joogtay, sida Sheekh Maxamed Macallin iyo Shariif Cabdinuur Shariif (Alle ha u wada naxariistee).
Bilowgii toddobaatamaadkii ayuu si firfircoon uga qayb galay dacwada Islaamka. Sanadkii 1976 ayuu ka qalin-jabiyay dugsigii caanka ahaa ee Jamaal Cabdinaasir. Wuxuu ka mid noqday dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee waxbarasho sare u aaday Boqortooyada Sacuudiga.
Waxbarashadiisii jaamacadeed wuxuu ku qaatay Jaamacadda Boqor Sacuud, isagoo ku takhasusay cilmiga Biochemistry-ga. Intii uu joogay Sacuudiga, wuxuu sidoo kale ka faa’iidaystay duruusta iyo cilmiga culimadii waaweynaa ee Islaamka, gaar ahaan Sheekh Cabdulcasiis Ibnu Baaz (Alle ha u naxariistee).
Sanadihii 1986–1987 ayuu u guuray dalka Canada, halkaas oo uu ka sii ambaqaaday dacwadii Islaamka. Wuxuu ahaa daaci aragti dheer leh, si wanaagsan u fahmay waaqica bulshada Muslimiinta ee gudaha iyo dibaddaba.
Sheekh Maxamed Rashaad wuxuu caan ku ahaa tawaaduc, akhlaaq wanaagsan iyo qalbi jilicsan. Markii uu muxaadarooyin jeedin jiray, qiiro iyo khushuuc ayaa ka muuqan jirtay, waxaana marar badan indhihiisa ka quban jiray ilmo uu Alle ka cabsanayo awgeed.
Wuxuu noqday imaamka mid ka mid ah masaajidda waaweyn ee magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada, halkaas oo uu ka soo saaray dadaal weyn oo dhinaca dacwada iyo tarbiyadda bulshada ah.
Alle SWT wuxuu u doortay geeri sharaf leh. Sheekh Maxamed Rashaad wuxuu geeriyooday isagoo gudanaya xajka, kuna sugnaa Mina xilligii gudashada waajibaadkaas weyn. Wuxuu geeriyooday 25-kii November 2009, waxaana lagu aasay magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarramah maalintii xigtay, 26-kii November 2009.
Alle ha u naxariisto Sheekh Maxamed Rashaad, hana ka waraabiyo jannatul-firdowsa, ajarkiisii dacwada, cilmiga iyo khayrkii uu ummadda uga tegayna ha uga dhigo mid miisaanka xasanaadkiisa ku sii socota.
"𝗖𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘆 𝗴𝗲𝗲𝗿𝗶𝘆𝗼𝗼𝗱𝗮𝗮𝗻, 𝗯𝗮𝗹𝘀𝗲 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶𝗴𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗲𝗵 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮."
✍️ Kalsoor Media
.png)
COMMENTS