Sheekh Mustafe X. Ismaaciil ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in meherka la qaaliyeeyo, gaar ahaan marka lagu xuso tiro aad u badan oo gara...
Sheekh Mustafe X. Ismaaciil ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in meherka la qaaliyeeyo, gaar ahaan marka lagu xuso tiro aad u badan oo garaam oo dahab ah.
Sheekhu waxa uu su’aal geliyey qiimaha xad-dhaafka ah ee
mararka qaar lagu xidho meherka, isaga oo tilmaamay in bini’aadamku ka qiimo
badan yahay dahabka, isla markaana guurku aanu ahayn wax la isku iibsanayo.
“Waxaa jirta in meherka la qaaliyeeyo oo la yiraahdo
dhowr boqol oo garaam oo dahab ah. Dhowrka boqol ee garaam ee dahabka ah, ma
bini’aadam baa la iibsanayaa?”
Sheekh Mustafe ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in qiimaha
bini’aadamku aanu dahab goyn karin, balse dadka ay mararka qaar waxyaabo
badan isku daraan oo ay arrinta meherka ka dhigaan mid aad qaali u ah.
“Bini’aadamka dahabku ma gooyo, uu ka qaalisan yahay,
laakiin dadku waxbay isku darsanayaane isma iibsanayaan.”
Hadalka Sheekh Mustafe wuxuu iftiiminayaa muhiimadda ay
leedahay in laga fogaado in meherka
iyo guurka laga dhigo lacag xad-dhaafka, iyo muhiimada ay leedahay in fahmo
in guurku yahay nolol wadaag iyo masuuliyad, ee aanu ahayn is-iibsi ama tartan
lagu muujiyo hantida.
Kalsoor Media ✍️
Diinta • Dhaqanka • Arrimaha Bulshada

COMMENTS