Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo caan ku ah fasiraadda riyooyinka, ayaa sheegay in masasku ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee Soomaa...
Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo caan ku ah fasiraadda riyooyinka, ayaa sheegay in masasku ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee Soomaalidu ku aragto riyooyinkooda.
Sheekhu wuxuu sheegay in marka la eego 10 riyo, qiyaastii 3 ka mid ahi ay la xiriiraan masaska, isaga oo xusay in masku inta badan astaan u noqon karo cadow, dhibaato iyo caqabado kala duwan.
“Maxaa inaga masaska ina daba dhigay?” ayuu yiri Sheekh Siciid, isaga oo sidoo kale tilmaamay in 80% riyooyinka dadka qaarkood ay noqon karaan riyooyin xambaarsan dhibaatooyin badan.
🎥 Daawo muuqaalka oo dhammaystiran si aad u fahanto faahfaahinta hadalka Sheekh Siciid Maxamed Faarax.

COMMENTS