Waxaa magaalada Jigjiga, caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, lagu soo gebagebeeyey duruustii iyo kutubtii uu dhigayey Sheekh...
Waxaa magaalada Jigjiga, caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, lagu soo gebagebeeyey duruustii iyo kutubtii uu dhigayey Sheekh Cumar Gadhweyne, oo ah caalim fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, balse u safra deegaanno kala duwan si uu u faafiyo cilmiga diinta Islaamka.
Sheekha ayaa muddo ku sugnaa magaalada Jigjiga, halkaas oo ay duruustiisa iyo aqoontiisa diineed ka faa’iidaysteen dhallinyaro iyo arday ka kala timid deegaanno kala duwan.
Bulshada Soomaaliyeed waxay Sheekh Cumar Gadhweyne uga mahadcelinaysaa dadaalkiisa iyo doorkiisa ku aaddan faafinta cilmiga diinta Islaamka iyo kobcinta aqoonta bulshada.
Alle ha ka abaalmariyo dadaalkiisa, cimrigiisa iyo cilmigiisana ha u barakeeyo, hana ka dhigo mid ummadda Muslimiinta anfaca.
@Kalsoor Media ✍️
COMMENTS