$type=ticker$count=12$cols=4$cate=0

Dhakhtar ku takhasusay caafimaadka nafsiga ah oo ka digay daawashada qaar ka mid ah muuqaalada Sowdo Qaalib

Dhakhtar ku takhasusay caafimaadka nafsiga ah oo ka digay daawashada qaar ka mid ah muuqaalada Sowdo Qaalib Dr. Mascuud Dadaal, ...

Dhakhtar ku takhasusay caafimaadka nafsiga ah oo ka digay daawashada qaar ka mid ah muuqaalada Sowdo Qaalib

Dr. Mascuud Dadaal, oo ah dhakhtar ku takhasusay daaweynta xanuunnada nafsiga ah kana hawlgala magaalada Hargeysa, ayaa ka digay saamaynta ay yeelan karaan qaar ka mid ah muuqaalada ay baahiso Sowdo Qaalib.

Dhakhtarka ayaa sheegay inuu la kulmay afar bukaan oo uu sheegay in xaaladdooda ay la xidhiidheen daawashada muuqaaladaas. Waxa uu kula taliyey in aanay daawan carruurta ka yar 18 jirka, haweenka uurka leh, hooyooyinka nuujinaya iyo dadka la nool xaaladaha nafsiga ah sida welwelka, shakiga iyo cabsida.

Dr. Mascuud ayaa sidoo kale xusay in aysan dhammaan sheekooyinka Sowdo Qaalib cabsi ku saabsanayn, balse kuwa xambaarsan muuqaallada cabsida leh ay saamayn taban ku yeelan karaan dadka qaarkood.

Ugu dambayn, waxa uu Sowdo Qaalib kula taliyey inay bilowga muuqaallada cabsida leh bulshada uga digto in qisadu cabsi xambaarsan tahay, si daawadayaashu ay go'aan ku haboon uga gaadhaan ka hor daawashadooda.

Sowdo Qaalib waa gabar caan ka ah baraha bulshada, waxaana ay baahisaa muuqaallo ay ku soo gudbiso qisooyin kala duwan.

Kalsoor Media ✍️

COMMENTS

Loaded All Posts Not found any posts VIEW ALL Readmore Reply Cancel reply Delete By Home PAGES POSTS View All RECOMMENDED FOR YOU LABEL ARCHIVE SEARCH ALL POSTS Not found any post match with your request Back Home Sunday Monday Tuesday Wednesday Thursday Friday Saturday Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat January February March April May June July August September October November December Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec just now 1 minute ago $$1$$ minutes ago 1 hour ago $$1$$ hours ago Yesterday $$1$$ days ago $$1$$ weeks ago more than 5 weeks ago Followers Follow THIS PREMIUM CONTENT IS LOCKED STEP 1: Share to a social network STEP 2: Click the link on your social network Copy All Code Select All Code All codes were copied to your clipboard Can not copy the codes / texts, please press [CTRL]+[C] (or CMD+C with Mac) to copy Table of Content