Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabaas ayaa baraha bulshada ee dalka Kenya si weyn looga hadal hayaa, kadib markii uu ...
Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabaas ayaa baraha bulshada ee dalka Kenya si weyn looga hadal hayaa, kadib markii uu sameeyay ficil naxariis iyo damqasho xambaarsan.
Cabaas oo xilligaas iskuulka u sii socday, ayaa jidka ku arkay nin Kenyan ah oo naafo ah, oo gaajaysan, isla markaana aan awoodin inuu si caadi ah u socdo.
Cabaas ayaa go’aansaday inuu ninkaas siiyo cuntadii uu watay, isaga oo si qalbi furan ugu sadaqaystay cuntadiisii.
Xilliga uu Cabaas cuntada siinayay ninka, ayaa qof wadada marayay uu muuqaal kooban ka duubay, kadibna baraha bulshada ku baahiyay. Muuqaalka ayaa si weyn loo faafiyay, waxaana dad badan oo Kenya iyo meelo kale ah ay Cabaas ku amaaneen naxariistiisa, akhlaaqdiisa iyo tarbiyadda wanaagsan ee uu helay.
Dad badan ayaa sidoo kale falkan u arkay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida naxariistu aysan u lahayn xuduud, qaran ama da'.
Arrintan kuma ekaan oo keliya baraha bulshada. Maamulka Rabbani Group of Schools ayaa arkay muuqaalka Cabaas, waxayna go'aansadeen inay ku abaalmariyaan falka wanaagsan ee uu sameeyay.
Cabaas ayaa la guddoonsiiyay hadiyado iyo abaalmarinno, waxaana sidoo kale loo fidiyay fursad uu hal sano oo waxbarasho ah si bilaash ah uga barto dugsiga.
Cabaas wuxuu noqday tusaale muujinaya in ficil yar oo qalbi wanaagsan laga sameeyo uu gaadhi karo qalbiyo badan.
@Kalsoor Media ✍️
COMMENTS