$type=ticker$count=12$cols=4$cate=0

Taariikhda Nololeedka Sheekh Dirir

Taariikh Nololeedka Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir  Sheekhu wuxuu dhashay 1963-kii waxana uu ku dhashay magaalada Daloobuun ee Da...

Taariikh Nololeedka Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir 
Sheekhu wuxuu dhashay 1963-kii waxana uu ku dhashay magaalada Daloobuun ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo uu isagoo yar ka bilaabay barashada Qur’aanka, isagoo uu waxbarashadiisa bilaabay aabbihii, AUN Sheekh Cumar Dirir.

Intii uu ku jiray safarka cilmiga, wuxuu bartay Tafsiirka Qur’aanka, Xadiiska, Caqiidada, Fiqiga iyo culuumta Afka Carabiga, isaga oo takhasuska Cilmiga Xadiiska ku soo qaatay dalka Pakistan, sidoo kalena waxbarasho ku soo qaatay Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar.

Sheekh Dirir wuxuu caan ku yahay tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, muddo ku dhow 40 sano ku jiray baridda, tafsiirka iyo dacwada Islaamka, waxaana la sheegay inuu dhammeystiray tafsiirka 18 jeer, halka uu galay 16 safar oo dacwadeed oo uu ku tagay dalal kala duwan. Sidoo kale in ka badan 950 muxaadaro oo uu jeediyey ayaa laga heli karaa baraha bulshada Tv-yada, idaacadaha iyo Internetka.

🏆 Sannadka 2026, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Shakhsiyadda Qur’aanka, oo ay bixisay Mu’assasada Al-Misbaax ee fadhigeedu yahay Hargeysa, taas oo lagu maamuuso qofka sameeya dadaalka muuqda ee ku aaddan baridda, fahamka iyo faafinta Qur’aanka Kariimka ah.

Alle ha ka abaalmariyo dadaalka dheer ee uu geliyey baridda iyo faafinta Kitaabka Alle. 🤲

@Abdisalan Abib ✍️

COMMENTS

Loaded All Posts Not found any posts VIEW ALL Readmore Reply Cancel reply Delete By Home PAGES POSTS View All RECOMMENDED FOR YOU LABEL ARCHIVE SEARCH ALL POSTS Not found any post match with your request Back Home Sunday Monday Tuesday Wednesday Thursday Friday Saturday Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat January February March April May June July August September October November December Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec just now 1 minute ago $$1$$ minutes ago 1 hour ago $$1$$ hours ago Yesterday $$1$$ days ago $$1$$ weeks ago more than 5 weeks ago Followers Follow THIS PREMIUM CONTENT IS LOCKED STEP 1: Share to a social network STEP 2: Click the link on your social network Copy All Code Select All Code All codes were copied to your clipboard Can not copy the codes / texts, please press [CTRL]+[C] (or CMD+C with Mac) to copy Table of Content