Sheekh Xasaan waa daaci, iyo Mufti caan ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Carabta Masar. Waxaa la sheegay inuu ku dhashay 8-dii Abr...
Sheekh Xasaan waa daaci, iyo Mufti caan ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Carabta Masar. Waxaa la sheegay inuu ku dhashay 8-dii Abriil 1962, tuulada Damooh, oo ka tirsan Degmada Dikirnis, Gobolka Dakahlia ee Masar.
Sheekha waxaa yaraantiisii si gaar ah u tarbiyadeeyay awoowgiis dhinaca hooyada. Isagoo 4 jir ah ayuu bilaabay barashada Qur’aanka, waxaana la sheegay inuu 8 jirkiisii ku dhammeeyay xifdinta Qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kale wuxuu yaraantiisii bartay qaar ka mid ah kutubta fiqiga, caqiidada iyo axaadiista.
Markii uu gaaray 13 jir, wuxuu bilaabay inuu wax ka dhigo masaajidka weyn ee tuuladiisa, wuxuuna da'daas oo kale isaga oo 13 jir ah khudbaddiisii ugu horreysay ee Jimcaha khudbadeeyay. Khudbaddaas ayaa noqotay bilowga safar dheer oo uu ku galay dacwada iyo wacdinta.
Waxbarashadiisa
---------------------------
Sheekh Maxamed Xassan wuxuu ka baxay Kulliyadda Warbaahinta ee Jaamacadda Qaahira (Mass Communication/Media), isagoo intii uu jaamacadda ku jiray sidoo kale si joogto ah u baranayay culuumta Islaamka. Markii dambe wuxuu waxbarasho la xidhiidha culuumta ka sii qaatay culimo kala duwan.
Waxaa ka mid ahaa culimadii uu wax ka bartay ama uu cilmi ka faa'iidaystay Sheekh Cabdulcasiis bin Baaz, Sheekh Maxamed bin Saalix Al-Cuthaymiin, Sheekh Cabdullaahi bin Jibriin iyo culimo kale. Waxa kale oo uu muddo ahaa mucallim dhanka culuumta xadiiska iyo manhajka culimada xadiiska ee Jaamacadda Imaam Maxamed bin Sacuud, qaybta Qasiim.
Safarkiisa dacwada
---------------------------
Muddo dheer ayuu Sheekh Maxamed Xassan ku hawlanaa dacwada, wacdinta, khudbadaha iyo faafinta culuumta Islaamka. Muxaadarooyinkiisa iyo duruustiisa ayaa ku baahay dalal badan, waxaana lagu yaqaan taxane muxaadarooyin iyo kutub uu qoray.
Al-Rahma TV
---------------------------
Sidoo kale sheekhu waxaa uu door weyn kulahaa aasaaska Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Raxma, ayadoo la aasaasay sannad kii 2007, sababta oo ah sheekhu waxaa uu bartay culuumta Warbaahinta, taas oo uga faa'iidaystay dacwada iyo faafinta diinta
Qoraalladiisa iyo barnaamijyadiisa
------------------------------------------------------
Sheekhu wuxuu leeyahay buugaag iyo duruus badan, waxaana ka mid ah mawduucyada uu ka hadlay Qur'aanka, caqiidada, akhlaaqda, aakhiro iyo tarbiyadda bulshada. Waxa kale oo uu soo jeediyay barnaamijyo diimeed ay ka mid yihiin “Fataawa Al-Raxma”.
Maanta
---------------------------
Sheekh Maxamed Xassan wuxuu muddo dheer u huray noloshiisa baridda diinta Islaamka iyo dacwada, isagoo muxaadarooyin iyo duruus ka jeediyay meelo kala duwan, isla markaana ka qaybgalay shirar iyo kulamo diimeed. Bogga rasmiga ah ee Al-Raxma TV ayaa sidoo kale ku tilmaamaya inuu yahay mid ka mid ah culimada iyo daaciyiinta kanaalka. Waqti xaadirkana waa mufti ku nool magaalada Oktoobar ee dalka Masar.
Soo koobid
---------------------------
🇪🇬 Sheekh Maxamed Xassan — Masri ku dhashay 1962, Qur'aanka xifdiyay isagoo 8 jir ah, khudbadana bilaabay isagoo 13 jir ah, kana mid noqday daaciyiinta sida weyn looga yaqaan dunida Carabta.
@Kalsoor Media ✍️
COMMENTS